Markazalbayan waa machad online ah oo fadhigiisu yahay magalada Muqdisho lagana diwaangaliyay wasarada diinta iyo awqaafta horaantii  sanadii 2015  ..

waa machad diini ah oo lagu barto, xifdiga Quraanka Kariimka ,Higaada carabiga(far_akhriska )  iyo  Culuumta Diiniga ah ee kala duwan hab horu marsan  oo maqal iyo muuqala ah  .  .
Machadku wuxuu ka hawlgalaa qaradaha  america ,  europe , Asia iyo australia .macahdku wuxuu u diyaariyay ardayga  wax barasho online ah oo tayo leh iyo macalimiin xul ah oo aqoon buuxda iyo khibrad u leh waxbarashada onlineka ah iyo  ku barbaarinta ubadka diinta islaamka waxaa loo tababaray soo saarida qoys islaami ah . waxa wax kabaran kara machadka qof kasta caruur iyo cirooleba qof wayn oo waalida iyo caruurba .

Machadku waxuu u diyaariyay  ardayda manhaj iyo duruus islaamiya oo kala duwan oo  iskugu jira bilaw iyo dhexdhexaad kuwasoo loogu tala galay in lagu garab wado xiisadaha quraanka si ardaygu uu u noqdo arday dhisan oo waxbadan ka yaqaan qaybaha kala duwan ee shareecada islaamka .waxa ka mida duruusta ardayga loo dhigi doono

  1. Ducooyin                                          الدعاء
  2. Tarbiyada islaamka                التربية الاسلامية  
  3. Tawxiidka                                         التوحيد
  4. Xadiiska                                            الحديث
  5. Siirada rasuulka scw                  سيرة الرسول 
  6. Fiqiga                                                   الفقه
  7. Luqada carabiga                       اللغة العربية